Maxaa looga hadlaya kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka?

by admin | Saturday, Aug 8, 2020 | 424 views

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu waddaa in maanta ay yeeshaan kulan, kaasoo ka dhici doonto xarunta Golaha Shacabka Muqdisho.

Kulankaan ayaa ah Mid walaac badan laga muujinaayo maadaama looga hadlaayo Arrimaha doorashooyinka.

Gudoonka Golaha Shacabka ayaa Xildhibaanada ku wargaliyay in ay soo xaadiraan kulanka oo diirada lagu saari doono Arrimaha doorashooyinka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday Olole ay ku doonayaan Muddo korosi, waxaana Xildhibaanada qaar ay sheegeen in ay rabaan in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo Cod ah.

Like it? Share it!

Leave A Response