Ciidamada dowladda & kuwa Jubbaland oo fuliyay howlgal Wadajir ah

by admin | Thursday, Apr 8, 2021 | 316 views

Ciidamada dowladda Soomaliya oo ay wehlinayeen kuwa Daraawiishta Maamulka Jubbaland waxaa ay howlgallo wadajir ah ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in ay sigaar ah howlgalka Ciidamada uga fuliyeen degaannada, Koban, Araare, Lafaha-ragga iyo Xero-Shiid, kuwaas oo dhamaantood u dhow degaanka Buula-Gaduud ee Gobolka Jubbada Hoose.

Guddoomiyaha degaanka Buulo-Gaduud Mahad Mataan Buulle ayaa sheegay in howlgalka ay sameeyeen Ciidamada lagu dilay ilaa 10 isugu jira Saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Guddoomiyaha oo la hadlay Warbaahinta dowladda waxaa uu sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay, isla markaana la doonayay in Al-Shabaab looga saaro degaannada howlgalka laga fuliyay.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland oo iskaashanaya ayaa dhowr jeer waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen degaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka, iyada oo la sheego in lagu dilay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response