Ciidamada Dowladda oo la wareegay deegaano dhowr ah

by admin | Wednesday, May 27, 2020 | 469 views

Ciidamada Dowladda Somaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo culus ka fuliyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirasn Ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in intii ay howlgalka ku jireen ay dileen Xubno ka tirsan Al-Shabaab sidoo kalena ay la wareegeen deegaano iyo fariisimo dhowr ah oo ay ku sugnaayeen.

Taliyaha Guutada 22-aad ee Taliska qeybta 27-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Gaashaanle Dhexe Maxamuud Xasan Ibraahim ayaa sheegay inay la wareegeen deegaano ay ka mid yihiin, Afcad, Ceel-bacad iyo Aboorey, kuwaas oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale Taliyaha waxa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in ciidamada ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ee laga fulinayo deegaannada yo degmooyinka Gobolka Hiiraan ilaa laga saarayo Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya deegaannada howlgalka laga fuliyay ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada saaka ay tahay mid degan,isla markaana Ciidamada Dowladda ay weli wadaan howlgallo kala duwan.

Like it? Share it!

Leave A Response