Ciidanka DANAB oo howlgal ka fuliyay degaanka Ceelbaraf

by admin | Tuesday, Jun 28, 2022 | 432 views

Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB oo shalay la wareegay degaanka Ceelbaraf oo hoostaga degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa halkaasi waxaa ay ka bilaabeen howlgallo kala duwan.

Ciidamada ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay dhamaan Xaafadaha degaanka Ceelbaraf, waxaana Ciidamada la sheegay inay galayeen oo baaritaano ay ku sameeynayeen Guryaha dadka Shacabka ah degan yihiin.

Dadka degaanka Ceelbaraf qaarkood ayaa Risaala u sheegay inay Ciidamada baaďi goobayaan Agab laga qaatay Xerada Ciidamada Burundi xilligii ay ka baxayeen markii ay Al-Shabaab ku qaadeen weerarka, sidoo kalena Ciidamada ay howlgalka ka sameeynayaan waddooyinka soo gala & kuwa ka baxa degaanka Ceelbaraf.

Saraakiisha Ciidanka Kumaandooska DANAB weli wax faah faahin ah kama bixin howlgalkaas, hayeeshee waxaa la sheegay inay weli halkaasi Ciidamadu ka wadaan howlgallada iyo dhaq dhaqaaqyada Ciidan maadaama meel aan ka fogeyn degaanka ay ku sugan yihiin Ururka Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response