Ciidanka Puntland oo howlgal ka fuliyay Boosaaso

by admin | Monday, Sep 3, 2018 | 891 views

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Gaarka ah ee Puntland ay xalay Howlgalo ka sameeyeen qaybo kamid ah Xaafadaha magaalada.

Xaafadaha xiga dhulka Buuraleyda ah ee ay ka howlgalaan Ciidamada Badda iyo kuwa gaar ah ee Puntland ayuu howlgalka dhacay.

Gawaarida, Guryo si gaar ah loo tuhmayay  iyo shaqsiyaad ayey Ciidamada ku bartilmaameedsanayeen howlgalkooda, waxayna Ilo Wareedyo Mustaqbal Radio u sheegeen in dad ay qabqabteen ay la aadeen Saldhigyadooda.

Madaxweynaha Maamulka Puntalnd Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Saraakiisha Ciidamada Puntland amray in ay kordhiyaan howlgalka lagu sugayo Ammaanka isla markaana looga hortagayo Weerarada Daacish iyo Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada gaarka ah ee Puntland ayaa howlgalo ka sameeyoaGobolka Bari, iyaga oo sheega in ay kusoo qabqabtaan xubno katirsan Daacish iyo Al-Shabaab.

Baaritaanada Gawaarida Yar yar  ayey Ciidamada Puntand kordhiyeen, waxaana jira tuhun laga qabo in loo adeegsado Weeraro lagu qaado Xarumaha Maamulka iyo Saldhigyada Ciidamada.

Like it? Share it!

Leave A Response