Cristiano Ronaldo Waa Boqorka Baraha Bulshada – Sidee Ayuu Kaga Sarreeyaa Ciyaartoyda, Dadka Caanka Ah & Xitaa Siyaasiyiinta Uu Ku Jiro Donal Trump.

by admin | Saturday, Oct 20, 2018 | 1029 views

Cristiano Ronaldo waa boqorka baraha bulshada sida lagu ogaaday xog aruurin la sameeyay oo cadeyneysa sida uu qof walba uga sarreeyo tirada taageerayaasha uu ku leeyahay caalamka oo dhan.

Sahankii la sameeyay waxaa lagu soo bandhigay sida uu CR7 uga sarreeyo ciyaartoyda kubadda cagta, ciyaartoyda kale ee ciyaara ciyaaraha kala duwan, shaqsiyaadka caanka ah iyo xitaa dadka ugu waaweyn siyaasadda oo uu ku jiro madaxweynaha dhawaan qabsaday talada dalka United States (Donald Trump).

Xog aruurinta waxaa laga sameeyay saddexda bar bulsho (Facebook, Instagram iyo sidoo kale Twitter), wadar ahaan ayaana loo fiiriyay mana jiro shaqsi xitaa ka daba dhaw oo kula tartami kara dhankaas.

SHANTA UGU SARREYSA CIYAARTOYDA KUBADDA CAGTA:

Ronaldo wuxuu baraha bulshada ku leeyahay 340 Malyan oo taageerayaal ah, halka xiddiga kusoo dhaw uu noqday Neymar oo isna ku leh baraha bulshada 205 Malyan oo taageerayaal ah.

Dhinaca kale waxaa lala barbardhigay ciyaartoyda kale ee ka xamasha ciyaaraha kala duwan sida NBA, Feerka iyo sidoo kale Tennis-ka.

Xiddiga kusoo dhaw wuxuu noqday geesiga haatan loogu jecel yahay ciyaarta NBA-da James LeBron kaas oo baraha bulshada ku yeeshay 106 Malyan oo taageerayaal ah, halka Ronaldo uu intaas in ka badan ku leeyahay kaliya Facebook.

Intaas waxaa sii dheer in lala barbardhigay dadka caanka ah sida Fanaaniinta iyo Siyaasiyiinta, laba ka mid ah madaxda USA ayuuna ka saramaray Barrack Obama iyo Donal Trump oo ah labada shaqsi ee xilka isku baneeyay.

Waxaa kusoo dhaw wiilka dahabiga ah ee reer Canada Justin Beiber kaas oo baraha bulshada ku leh 284 Malyan oo taageerayaal ah.

Ugu dambeyntii Ronaldo wuxuu wali ku fadhiyaa kursiga ah (Kan ugu sarreeya Ragga) ee lacag ka hela barta Instagram, xiddigaan waxaa kaliya ka horreeya oo lacago ka badan ka sameeya labada gabdhood Kylie Jenner iyo Selena Gomez.

 

Like it? Share it!

Leave A Response