Xiriirkii Kalgaceyl Ee U Dhaxeeyay Neymar & Aktarada Bruna Marquezine Oo Burburay – Miyey Labada Shaqsi Ku Kala Tageen Arrimaha Doorashada Dalka Brazil?

by admin | Saturday, Oct 20, 2018 | 1032 views

Weeraryahanka Paris Saint Germain [Neymar Junior] & atariishada caanka ah ee reer Brazil [Bruna Marquezine] ayaa kala haray sida ay saxaafadda u xaqiijisay Bruna oo sidoo kale ka hadashay hadii ay ku kala hareen arrimaha siyaasadda dalkooda iyo ku kala qeybsanaanta doorashooyinka.

Bruna oo 23-jir ah ayaa saxaafadda hor timid isla markaana u xaqiijisay wax walba oo jira, waxeyna wareysi siisay Vogue Brazil, balse waxey diiday iney wax badan ku dheeraato sheekadaan iyadoo biyo qabow sidoo kale ku shubtay wararka siyaasadda ee lasoo dhexgaliyay.

“Waan kala dhamaanay” ayey u sheegtay saxaafadda, “Waa isaga go’aankiisa, waxaan doonayaa inaadan mowduucaas wax badan iga weydiin sababtoo ah sida caadiga ah ma jecli inaan ka hadlo wax ku saabsan nolosheyda gaarka ah”

Like it? Share it!

Leave A Response