Dagaal u dhaxeeya Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ka socda Deegaanka Cowswayne ee Gobolka Galgaduud.

by admin | Saturday, Aug 26, 2023 | 98 views

Dagaal toos ah oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka oo garab ka helaya Dadka Deegaanka iyo ‘AS’ ayaa ka socda Deegaanka Cowswayne oo qiyaastii 20 KM u jira Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Ilo kala duwan ayaa u xaqiijiyay  warbaahinta in dagaalkaan uu billowday kaddib markii ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Dadka deegaanka ay kordhiyeen howlgallada ay ku tagayaan tuulooyinka gacantooda weli ka maqan.

Weerarka ayaa ku billowday Gawaari lagu soo raray Walxaha Qarxa waxaana xigay dagaal toos ah oo illaa hadda oo ah 10:20 AM barqanimo ka socda deegaanka Cowswayne Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Weli si dhab ah looma ogaan khasaaraha ka dhashay dagaalkaan oo inta badan gaaray dhinacyada dagaalamaya waxaana adag in la helo xogo dheeraad ah oo muujinaya inta waxyeelladu gaarsiisan tahay maadaama xogtu ay xadidan tahay.

Saraakiil katirsan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay kahortageen weerarkaas, waxaana ay intaas ku dareen in ay sii wadi doonnaan howlgalladooda ka dhanka ah ‘AS’ waa sida ay hadalka u dhigeen.

Like it? Share it!

Leave A Response