RW Xamsa Cabdi Barre: “Waxa aan diiradda saaraynaa Soomaali xor ka ah Deyn, AS, Musuq & qabyaalad”.

by admin | Saturday, Aug 26, 2023 | 142 views

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay ka go’an tahay sidii dalka looga saari lahaa ‘AS’ isla markaana laga gungaari lahaa Deyn cafinta, la dagaalanka Musuqa & ka gudubka caqabadaha kale ee ku hor gudban.

Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Federaalka Xamsa Cabdi ayaa sheegay in Amniga diiradda la saarayo si loo xoojinaya lagu qasban yahay in ‘AS’ laga qabsado deegaannada ay joogaan si looga hortago weerarrada ay abaabulayaan waa sida uu yiri.

Xamsa Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa rejo ka muujiyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dhuusamareeb ka dhacaya in looga arrinsado dhammeystirka wajiga 1aad ee howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ iyo in la billaabo qaybta 2aad ee howlgalkaas.

“Golaha waxa aan uga tashan doonnaa arrimaha Dhaqaale, Bulsho, si aan ugu gudubno Soomaali xor ka ah ‘AS’, Deynta, Musuqa & Qabyaalad si amnigeeda ula wareegto oo gacanta ugu haysato” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay xoojinta howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ waxa ay Shacabka ugu baaqday in ay kordhiyaan la shaqeynta ciidamada heer Federaal & heer Dowlad-Goboleed ee kaashanaya kuwa deegaanka.

Like it? Share it!

Leave A Response