Darawal Mooto Bajaajle ah oo saaka lagu dilay Muqdisho iyo Askarigii dilay oo

by admin | Wednesday, May 8, 2019 | 703 views

Darawal Mooto bajaajle ah ayaa saaka lagu dilay Isgoyska Tarbuunka ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, kaddib markii askari ka tirsan ciidanka dowladda oo rasaas ku furay.

Dilka ayaa ka dambeeyay kaddib markii uu muran soo kala dhex galay askariga iyo darawalka mooto bajaajka, waxaana taasi ay keentay in dhowr xabadood uu ku dhufto.

Ciidamo ka tirsan Booliska ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, inkastoo aanay u suura gelin inay gacanta ku soo dhigeen askarigii dilka geystay oo goobta ka baxsaday.

Darawalkan Mooto bajaajlaha ayaa noqonaya kii u horeeyay ee la dilo, tan iyo markii ay dhalatay bisha Ramadaan, waxaa muddooyinkii u dambeeyay isa soo tarayay dilalka loo geysto darawalada mooto bajaajta.

Sidoo kale bishan Ramadaan labadii dil ee ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa geystay Ciidamo ka tirsan dowladda, iyadoo shalay wiil dhalinyaro ah uu Dharkeenley ku dilay askari.

Bishii hore ayay aheyd markii banaan bax rabshado wata uu ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho, kaddib markii todobaad gudihiisa ay dileen Ciidamada labo dhalinyaro oo waday mooto bajaaj.

Like it? Share it!

Leave A Response