DEG DEG: Is Rasaaseyn Ka Dhacday Muqdisho & Wararki Ugu Dambeeyey Ee Khasaaraha Ka Dhashay

by admin | Monday, Jan 21, 2019 | 851 views

Ciidamo Katirsan Booliska Soomaaliya ayaa waxay is rasaaseyn ku dhexmartay iyaga iyo Koox Burcad aheyd Degmada Kaaraan Ee Magaalada Muqdisho.

Iskahorimaad ayaa waxa uu ka dhashay markii Maleeshiyaad Burcad aheyd oo dhac ka geysanayey Suuqa Kaaraan,iyadoo 3 Askari ay dhinteen oo Booliska katirsanaa iyadoo weli Xaaladu cakiran tahay.

Duhurnimadaan dad kusugan Degmada Kaaraan waxay Xoghoose uxaqiijiyeen in Khasaaro kale laga cabsi qabo maadaama Rasaas ay weli dhaceyso.

Isku socodka dadka,gaadiidka iyo ganacsiga ayaa istaagay,waxaana marar badan ka dhacday Degmada Kaaraan Suuqeeda Is rasaaseyn khasaaro kala duwan geysatay.

Weli ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Dhanka Maamulka Degamda Kaaraan,Ciidamo ayaana loo daabulay Suuqa Degmadaas oo Booliska lagu xoojinayo inay difaacaan.

Like it? Share it!

Leave A Response