DF Soomaaliya oo soo saartay digniino hor leh

by admin | Friday, Sep 29, 2023 | 89 views

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay digniino hor leh, kuwaasi oo la xiriira waxyeelo xooggan oo ka dhalan karta roobab mahiigan ah oo la saadaalinayo inuu ka da’o qaar kamid ah gobolada iyo degmooyinka dalka.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ayaa ka cabsi qabta in bulshada Soomaaliyeed ay waxyeelo badan kasoo gaarto fatahaadaha iyo daadadka roobkaasi ay sababaan, iyada oo warbixin digniin ahna soo saartay.

“Roobabka loo saadaaliyay gobollada Bari, Sool, Sanaag, Waqooyi-Galbeed, Nugaal, Hiiraan, Bay, Bakool, Shabeellaha Hoose, Jubbadda Dhexe waxa ay gaysan karaan khatar cabirkeedu sareeyo,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adda SODMA gaar ahaan xarunta ka digista halis wareedka.

“Bulshada ku dhaqan goboladaas waa in ay taxadar gooni ah ka muujiyaan khatarta fatahaadaha iyo roobabka imaanaya,” ayaa sidoo kale lagu yiri digniin kasoo baxday hay’adda SODMA.

Xarunta ayaa uga digtay bulshada inay ka fogaadaan meelaha qatarta uga imaan karto, maadaama laga cabsi qabo in uu gobollada dalka qaarkood ka da’o roobab mahiigaan ah.

Roobabkan laga digay halista ka dhalan karta ayaa la sadaalinayaa in gobolladaasi ka da’aan toddobaadka u dambeeya September iyo asbuuca ugu horreeya bisha October 2023.

“Waxaa looga digayaa bulshada ku nool goboladaas in ay iska ilaaliyaan togaga maran, taasi oo khatar galin karta naftooda. Sidoo kale waxaa guud ahaan bulshada looga digayaa in aysan deegaameyn ama guryo ka dhisan meelaha biyo mareenka ah, si ay ugu badbaado naftooda iyo hantidooda.”

Hay’adda ayaa ugu dambeyntiina sheegtay in xarumaha kala duwan ee hay’adda ay mar walba u taagan yihiin inay bulshada Soomaaliyeed siiyaan digniino looga hortagayo dhibaatada.

Like it? Share it!

Leave A Response