Sweden oo Shuruud yaab leh ku xirtay deeqda dhaqaale ee ay siiso dowlada Somalia

by admin | Friday, Sep 29, 2023 | 111 views

Wasiirka Gargaarka iyo Wasiirka Socdaalka Sweden ayaa warqad wadajir ah u diray dowladda Soomaaliya. waxaana ku qornaa in la xoojiyo iskaashiga ku saabsan dib u celinta qaxootiga iyo in Sweden oo muddo dheer ka mid ahayd dalalka deeqaha ugu badan siiya Soomaaliya ay dib u eegis ku sameyneyso gargaarka, haddii loo hoggaansami waayo isbeddelka cusub.

Dawladda cusub ee Sweden ayaa doonayso in ay dardar geliso dib u celinta qaxootiga, iyo in dowaldda Soomaaliya ku baraarugto isbeddelkan ku yimid siyaasadda gargaarka ee Sweden, ayuu yiri wasiirka gargaarka Johan Forssell (M).

Heshiiska Tidö ee ay wada galeen xisbiga talada haya ee Moderaterna iyo kuwa wax la dhistey ee midigta fog ee SD ayaa lagu sheegay in dowladdu ay ku xirto qaybo ka mid ah gargaarka in dalka la siiyo ay mas’uuliyad ka saaran tahay dib u soo celinta muwaadiniintiisa markii loo baahdo.

Talaabadan ayaa waxaa dhaleeceeyey hay’adaha gargaarka ee hela taageerada dalka Sweden.

“Waa inaysan u isticmaalin gargaarka sidii qalab lagu xallinayo siyaasadda qaxootiga” ayuu yiri Philemon Jazi, oo ah agaasimaha hay’adda Diakonia qaybta Afrika.

Lama oga in dowladda Soomaaliya ay heshiiskan saxiixdey iyo in kale, mana jiro wax war oo illaa hadda ay kaga hadashay go’aankan shuruuda ka xiraya gargaarka ay ka hesho Sweden.

Like it? Share it!

Leave A Response