Gaarisa: Raxan Dhurwaayo ah oo weeraray Dad & Xoolihii ay dhaqanayan.

by admin | Friday, Sep 29, 2023 | 94 views

Tuulada Faafi ee qiyaastii 70 KM u jirta Magaalada Gaarisa waxa ay dadka degen cabasho ka yihiin Raxan Dhurwaayo ah oo weerar ku ah Dadka iyo Xoolaha ay dhaqdaan kaddib markii biyo la’aan xooggan ay ka dhacday deegaankaas.

Dhowr weerar oo ay geysteen raxan dhurwaayo ah waxa ay ku dhaawaceen labo ruux halka ay dileen qof kale, waxaana ay ku cuneen tiro xoolo ah sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah Dadkaas Deegaanka oo cabasho kasoo gudbiyay.

Guddoomiyaha Deegaankaas Maxamed Bucul Hudle ayaa xaqiijiyay in xaaladda biyo la’aanta ah ay keentay in Dadka iyo Dhurwaagu ay isugu tagaan meelaha kooban ee laga heli karo biyaha si dhanba dhanka kale uu uga eryado una cabo.

Dadka deegaanka ayaa billaabay in si koox-koox ah in ay u beegsadaan Dhurwaayada si ay uga hortagaan weerrada ay soo qaadayaan oo halis nafeed ku ah Naftooda iyo Xoolaha ay dhaqanayaan sida ay hadalka u dhigeen.

Abaar xooggan oo saameyn taban ku reebtay Dadka & Duunyada ka jirta deegaanno katirsan Ismaamullada Gaarisa, Mandheera iyo kuwo kale, Xoolo dhaqatada ayaa raadinaya goobaha ay ka helayaan Biyaha iyo daaqa ay xoolahooda cuni lahaayeen.

Duur-joogta gaar ahaan nooca halistoodu badan tahay oo raxan-raxan u socota ayaa abaaray meelaha biyaha kooban laga helo, si ay u cabbaan waxa ay weerarro u geysteen dadka qaarkood hubeysan waxaana ka dhashay weerarkaas khasaara dhimasho & dhaawac.

Like it? Share it!

Leave A Response