Dalalka ku Yaboohay Ciidanka ATMIS oo aqbalay Codsi uga yimid Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

by admin | Friday, Sep 29, 2023 | 133 views

Waddamada ku yaboohay ciidamada Soomaaliya ee ku howlgalla Magaca Midowga Afrika ee ATMIS ayaa aqbalay Codsi uga yimid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud oo ah in muddo 3-bil ah (90 Cisho) dib loo dhigo bixitaanta wajiga labaad ee ciidankaas.

Dalalkaan ayaa ku qancay codsiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira arrimaha farsamo waxaana ay garab istaag iyo taageerro xooggan u muujiyeen howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Gudaha Dalka.

Qoraal ay ku muujinayaan In ay Codsigaas aqbaleyn ayay Dalalka Uganda, Burundi, Itoobiya, Kenya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti waxa ay wadajir ugu direen Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo taageerrada ugu xooggan siiya ciidankaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dagaal xooggan kula jirta ‘AS’ ayaa sheegtay waqtigaan oo dagaallo culus ay ku wajahayso Shabaab aanay u suuragalayn in ay buuxiyaan Ciidamadeeda Goobaha ay joogaan Askarta Midowga Afrika ee ATMIS.

Rejo ayay ka muujisay in dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ ay guullo muhiim ah ka gaarto si ay ula wareegto mas’uuliyadda Amniga Dalka isla markaana ciidamada tababarrada kala duwan la siiyay ay buuxiyaan booska Ciidamada AU-da.

Like it? Share it!

Leave A Response