Qaramada Midoobay oo sheegtay in ka badan 2,500 oo ruux oo Tahriibayaal ah in 2023 ay ku dhinteen Badda Mediterranean.

by admin | Friday, Sep 29, 2023 | 84 views

In ka badan 2,500 oo muhaajiriin ah ayaa dhintay ama la waayey ayaga oo isku dayaya inay badda Meditareeniyaanka uga gudbaan Yurub illaa hadda sanadkan 2023, waxaa sidaas Khamiistii sheegtay hay’adda qaxootiga QM ee UNHCR.

“Illaa September 24, waxaa la tiriyey in in ka badan 2,500 ay dhinteen ama la la’yahay 2023 kaliya,” waxaa sidaas Golaha Ammaanka u sheegtay Ruven Menikdiwela, agaasimaha xafiiska UNHCR ee New York.

Tiradan ayaa dhigan koror weyn oo ku yimid tiradii 1,680 ee dhintay ama la waayey muddadan oo kale ee sannadkii 2022.

“Nolol ayaa sidoo kale ku luntay dhulka, oo aan dareenka dadweynaha ku jeedin,” ayay tiri Ruven Menikdiwela.

Socdaalka dhulka ee waddamada ka hooseeya Saxaraha Afrika, halkaas oo qaar badan oo ka mid ah muhaajiriinta ay ka soo jeedaan, illaa xeebaha laga baxo ee Tunisia iyo Libya “ayaa weli ah mid ka mid ah kuwa ugu khatarta badan caalamka,” ayey tiri Menikdiwela.

Muhaajiriinta iyo qaxootiga “waxay halis u yihiin dhimasho iyo xad-gudubyo xuquuqul insaan, tallaabo kasta oo ay qaadaan,” ayey raacisay Menikdiwela.

Guud ahaan, illaa 186,000 oo qof ayaa badda kasoo galay Koonfurta Yurub, Janaayo ilaa Sebtembar 24, kuwaas oo ka degay dalalka Italy, Greece, Spain, Qubrus iyo Malta.

Badankood, oo ah 130,000 oo qof, ayaa yimid Talyaaniga, taasi oo ka dhigan koror 83 boqolkiiba ah marka la barbar dhigo isla muddadan oo kale ee 2022.

Marka ay noqoto halka laga soo baxo, intii u dhaxeysay Janaayo iyo August ee sannadkan, waxaa la qiyaasayaa in in ka badan 102,000 oo qaxooti ay isku dayeen inay badda Meditareeniyaanka uga soo gudbaan Tunisia, halka 45,000 ay kasoo baxeen Libya.

Qiyaastii 31,000 oo qof ayaa laga soo badbaadiyay badda ama dhexda laga qabtay oo laga soo dejiyay Tunisia, halka 10,600 laga dejiyey Libya, ayey tiri Menikdiwela.

Like it? Share it!

Leave A Response