Maraykanka oo loogu baaqay inuu wax ka beddelo siyaasadiisa militari ee Soomaaliya

by admin | Friday, Sep 29, 2023 | 120 views
Maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Joe Biden ayaa wajahaya baaqyo ku aadan in dib u habeyn lagu sameeyo istaraatiijiyada Maraykanka ee Soomaaliya, xilli Mareykanka uu weli ku jiro olole ka dhan ah Al-Shabaab oo 16 sano jirsatay.

Sida laga soo xigtay warbixin lagu daabacay Foreign Affairs, qaabka hadda uu Mareykanka haatan u isticmaalo awoodda militari iyo duqeymaha cirka si uu u xakameeyo al-Shabaab uma badna inuu horseedo xasillooni iyo nabad waarta.

Mareykanka ayaa Soomaaliya ka fuliyay in ka badan 280 duqeymo tan iyo 2007-dii.

Dadka dhaleeceeya waxay ku doodayaan in Maraykanku u baahan yahay inuu u beddelo diiradda taageeridda dadaallada dib-u-heshiisiinta siyaasadeed iyo xasilinta.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u xoojin lahayd guulihii dhuleed ee ka dhanka ahaa Al-Shabaab iyo in ay wax ka qabato kala qeybsanaanta bulshada.

Dabayaaqada bishan, Maraykanka ayaa ku biiri doona wadahadalada u dhexeeya Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah. Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in tani ay ka dhigan tahay fursad uu Mareykanka ku riixayo xal siyaasadeed oo dhameystiran oo ku saleysan dib u heshiisiin.

Like it? Share it!

Leave A Response