DFS oo sheegtay inay diyaarisay Sharciga Gaadiidka ee marista Wadooyinka

by admin | Tuesday, Jan 19, 2021 | 344 views

Iyadoo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ay ku soo badanayaan gaadiidka noocyadiisa kala duwan ayaa Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada xukuumadda federaalka Soomaaliya waxa ay ka hadashay qorshayaasha wasaarada iyo howlaha sharuucda marista wadooyinka oo ay soo saartay wasaaradda kaasi oo la doonayo in lagu dhaqo gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee ka howl gala dalka gaar ahaan caasimadda magaalada Muqdisho.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada dowladda Soomaaliya ayaa tilmaantay in ay jiraan dadaalo iyo horumaro ay ka sameysay sidii loo bari lahaa gaadiidleyda shuruucda iyo ku dhaqanka ilaalinta nidaamka marista wadooyinka ayna diyaarisay wasaaradda sharcigii wado marista.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cali Gacal Gaabow ayaa ka warbixiyay horumarada waxqabadka wasaaradda qorshayaasha wasaaradda iyo diiwaan galinta gaadiidka waxaana uu sheegay in wasaaradda ay ku guuleysatay in ay diyaarisay sharuucda marista wadooyinka.

Sharciga Gaadiidka ee marissa Wadooyinka oo ay sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay diyaarisay ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli wadooyinka Muqdisho uu kajiro ciriiri farabadan kaas oo ay dhib ku qabaan Shacabka.

Like it? Share it!

Leave A Response