Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Garasbaaleey oo qarax lagu dilay

by admin | Tuesday, Jan 19, 2021 | 450 views

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa agagaarka Warshadda Barafka Jidka 30-ka ee degaanka Garasbaaleey ee duleedka Muqdisho lagula eegtay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degaankaas.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa Miino ay ku dhinteen Guddoomiye ku xigeenkii amniga ee maamulka Garasbaaleey iyo guddoomiyihii Dhalinyarada degaankaas Cabdirashiid Dubad iyo Darawalkii Gaariga ku waday.

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in ay jiraan dad kale oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah uu qaraxa kasoo gaaray, kuwaas oo gaariga saarnaa kuwana ay wadada marayeen.

Guddoomiyihii Dhalinyarada degaanka Garasbaaleey ee qaraxa ku dhintay ee lagu Magacaabi jiray Cabdirashiid Dubad ayaa kamid ahaan jiray weriyaasha Muqdisho kuwa ugu firfircoon,

Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa gaaray halka qaraxa lagula eegtay mas’uuliyiinta ka tirsanaa Maamulka degaanka Garasbaaleey, iyaga oo goobta ka qaaday meydadka mas’uuliyiinta.

Like it? Share it!

Leave A Response