Diyaarad rakaab siday oo ku dhacday Gedo

by admin | Wednesday, Jul 21, 2021 | 15 views

Diyaarad siday rakaab oo ka timid dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhacday Garoon ku yaalla degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ka dib markii ay cilad ku timid.

Diyaaradaan oo la sheegay in ay siday 45 qof oo ay kasoo qaaday Nairobi ayaa kusii jeeday degmada Elwak ee maamulka Mandera sida ay noo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo.

Dhammaan dadkii saarnaa ayaa badqaba, waxana wararka qaar ay sheegayaan in Garoonka ay kusoo dhacday uusan shaqeyn Sanadyadii lasoo dhaafay.

Maamulka gobolka Gedo wali faahfaahin kama bixin diyaaraddaan.

Like it? Share it!

Leave A Response