Donald Trump oo digay dowladda Suuriya

by admin | Sunday, Apr 15, 2018 | 946 views

Donald Trump Madaxweynaha Mareykanka  ayaa uga digay dowladda Suuriya in Mareykanku uu diyaar u yahay inuu markale weerrar ku qaado haddii ay qaaddo weerar cusub oo kiimiko ah.

Digniinta ayaa timid kaddib markii wadammada Mareykanka, Britain iyo Faransiiska ay weerrar ku ekeeyeen saddex goobood oo ku yaal waddanka Suuriya taas oo ay kaga jawaabayeen weerrar ay dad badan ku dhinteen oo la sheegay in loo adeegsaday hubka kiimikada ah, kaas oo todobaadkii tegay lagu qaaday magaalada Douma.

Suuriya ayaa diidday inay adeegsatay wax hub kiimiko ah, waxa ayna sheegtay in weerrarka ay been abuureen kooxaha fallaagada.

Cod uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu soo hirdhigay Ruushka oo uu xulafo la ah Suuriya oo lagu cambaaraynayay weerrarka uu horkacayay Mareykanka ayaa la diiday.

Weerrarka saddexda dal ay ku qaadeen Suuriya ayaa noqonaya midkii ugu weynaa ee ay Reer Galbeedku ku qaadaan dowladda Madaxweyne Bashaar al-Assad tan iyo markii uu dalkaasi ka bilowday dagaalka sokeeye todoba sano ka hor.

Like it? Share it!

Leave A Response