Khilaaf ka dhax taagan baarlamaanka Hirshabeelle

by admin | Sunday, Apr 15, 2018 | 927 views

Waxaa soo if baxaya khilaaf u dhaxeeya mudanayaasha baarlamaanka Hirshabeelle, kuwaas oo ku kala qeybsamay kulamada baarlamaan kaas oo qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa sheegay in uusan qab soomin kulamada baarlamaanka muddo ku dhow dhowr bilood.
Kuwaas oo qabsoomi la`aantaas lagu eedeeyay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre.
Waxaa kaloo ay sheegeen in inta badan xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle aysan aheen kuwoo ku sugan magaalada Jowhar oo ah xarunta maamulka Hirshabeelle, taasina ay qaab ka qaadatay qabsoomi la`aanta kulamada baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.
Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Hirshabeelle oo la hadlay ayaa sheegay in muddo bilooyin ah aysan wax kulan ah yeelanin baarlamaanka Hirshabeelle iska markaana ku eedeeyay qabsoomi la`aanta kulamada baarlamaanka guddoomiye Sheekh Cusmaan Barre.
Xildhibaano kale oo uu ka mid yahay guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabelle Sheekh Cusmaan Bare ayaa sheegay in kulamada baarlamaanka Hirshabeelle ay yihiin kulamo sida caadiga ah u dhaco.
Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabelle Sheekh Cusmaan Bare y eedeeyntaas loo soo jeediyay ayaa iska fogeeyay eedeeynta loo soo jeediyay, wuxuuna sheegay in ay dhacaan kulamada baarlamaanka, oo uu shir guddoomiyo ku xigeenka koobaad ee baarlamaanka Hirshabeelle.

Like it? Share it!

Leave A Response