Dowladda Soomaaliya oo beenisay in ay wax xiriir ah laleedahay dowladda Iran

by admin | Sunday, Jul 23, 2023 | 172 views

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federalka Soomaaliya, Abshir Cumar Haruuse ayaa beeniyay in Dowladda Soomaaliya ay wax xiriir diblomaasiyasadeed ah laleedahay Iiran.

Guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa wasiirka arrimaha dibadda weydiiyay inuu jiro sarkaal katirsan wasaaradda, kaasoo mushaar ka qaata safaaradda Iran ay ku leedahay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.

Wasiir Abshir Cumar Haruuse ayaa arrintaasi beeniyay, wuxuuna sheegay tan iyo siduu u go’ay xiriirka labada dal in aanu jirin wax cilaaqaad ah oo u dhaxeeya labada dowladood.

“Ma jiraan diblumaasiyiin noogu qoran safaaradda Iran, kuwii noogu qornaa waan kasoo raranay. Haddiise ay jiraan shakhsiyaad iskood u tagay, waa wax gaar ah. Mana ahan wax ku sallaysan siyaasada wasaaradda.

Wuxuu sheegay wasiirku, haddii ay jirto cid aan wasaaradda ka tirsanayn oo xiriir la sameysa dowlad wasaaraddu aysan xiriir la lahayn, in ay baarayaan, islamarkaana ay dowladdu ka qaadayso tallaabada uga aadan arrintaas.

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa dhinaca kale sheegay in ay si dhow ula socdaan cabashooyinka lagasoo gudbiyo safaaradaha Soomaaliya. Wuxuuna sheegay in ay tallaabo ka qaadayaan ciddii ku xadgudubta xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dibadda ku sugan.

Like it? Share it!

Leave A Response