Prof: Faratoon oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland

by admin | Sunday, Jul 23, 2023 | 141 views

Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ayaa ku guulaystay aqlabiyada codadka doorashadii guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland, isaga oo sida ku noqday guddoomiyaha golaha ee cusub.

Xildhibaan Faratoon ayaa helay codadka 46 Xildhibaan oo kamid ah 81 xildhibaan oo codeeyay halka Xildhibaan Maxamed Khadar Daahir oo la tartamayay uu helay codadka 35 xildhibaan, doorashada oo saaka ka qabsoontay aqalka golaha wakiilada ee Hargaysa.

Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil oo si wayn Faratoon kursiga ugula tartamayay ayaa xalay xili danbe tanaasulay kadib markii uu sheegay in qaar kamid ah xildhibaano ay is ku gobol kasoo jeedeen oo uu isku halaynayay ay dhabarka u jeediyeen.

Prof: Faratoon ayaa kursigan hore ugu tartamay sannadkii 2021 kadib markii lasoo doortay xubnaha golaha wakiilada ee hada jooga, xiligaas oo uu doorashada kaga guulaystay guddoomiyihii xilka ka tagay ee Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Hadaba, Faratoon oo kasoo jeeda gobolka Sool ee colaaduhu ka taagnaayeen bilihii lasoo dhaafay ayaa sheegay in hadii la doorto uu ka shaqayn doono daminta colaada ka taagan gobolka.

Dhinaca kale, Taliye Mahad Cambaashe oo kamid ah Millateriga Somaliland kana soo jeeda Laascaanood iyo saraakiisha kale ee xukuumada ka tirsan ee Sool kasoo jeeda ayaa aad u danaynayay doorashada Faratoon, iyaga oo sheegay in uu kala shaqayn doono nabadaybta Laascaanood.

Like it? Share it!

Leave A Response