Duufaantii ku dhufatay Soomaaliya oo sababtay Khasaare badan

by admin | Sunday, May 20, 2018 | 1339 views

Duufaan  xoog leh ayaa ka dhacday degaanada ku teedsan Gacanka Cadmeed, taas oo sababtay roobab culus oo ka da’ay waqooyiga Soomaaliya labadii maalmood ee la soo dhaafay, waxaana ku burburay guryo badan ,iyadoona ay ku dhinteen ku dhawaad 2,000 oo xoolo ah, sida ay Qaramada Midoobay sheegtay .

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Xiriirinta Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) ayaa ka digay in roobabka culus ee la filayo inay ka sii socdaan xeebaha Somaliland iyo sidoo kale Puntland.

“Hay’adaha  bani’aadamnimada ayaa si dhow ula soconaya xaaladda waxyeelada duufaanta kasoo gaartay dadka kunool Puntland iyo Somaliland,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay hay’adda gargaarka ee Qaramada Midoobay.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in Puntland, roobab culus ay ka da’een , waxaana ka mid ah meelaha ugu daran Bareeda, Caluula, Murcanyo, Gumbax.

“Qiyaastii 35 guri , 15 doomood oo yaryar ayaa ku burburay, Waxaa sidoo kale ku dhintay ​​1,260 xoolo ah degmada  Lasqoray” sidda ay sheegtay Hay’adda.

Like it? Share it!

Leave A Response