Faah faahin:-Qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho

by admin | Saturday, Nov 16, 2019 | 618 views

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo jugtiisa laga maqlay Xaafado ka tirsan Magaalada.

Qaraxa oo ahaa miino lagu soo dhejiyay gaari nooca raaxada ah ayaa qarxay xili uu ku dhex jiray Garaasha ku yaalla Xaafadda Kaawa Godeey ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Dadka deegaanka oo la hadlay Radio Dalsan ayaa u sheegay in qaraxa ay ku geeriyoodeen laba ruux oo mid uu ahaa Askari doonayay inuu Miinada ka furo gaariga, hayeeshee ay ku qaraxday, waxaana ruux kale uu ahaa mid marayay Albaabaka Garaahshka.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in waxyeelo ay soo gaartay  dad shacab ah oo ku sugnaa Guri ku deganaa Garaashka, waxaana uu halkaas gaaray Ciidamo Boolis ah, kuwaasi oo sameeyay baaritaano la xiriira sida ay wax u dhaceen.

 

Like it? Share it!

Leave A Response