Guryaha iyo ganacsiyada magaalada Muqdisho oo la dul dhigay lacag qasab ah

by admin | Sunday, Nov 17, 2019 | 616 views

Amar la sheegay in uu ka soo baxay guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa ka bilaawday inta ugu badan degmooyinka gobalka Banaadir, kaas oo ah mid lacag looga aruurinayo guryaha iyo ganacsiga magaalada Muqdisho.

Lacagta laga qaadayo xaafadaha ayaa u dhaxeysa $5 ilaa $15 dollar waxayna gurayaha isugu jiraan 3 heer oo kale Dabaq, Fillo iyo Jiingad.

Sidoo kale goobaha ganacsiga ee magaalada Muqdisho ayaa lagu qoray lacag u dhaxeysa $10 ilaa $25 iyadoo ay kala leeyihiin heerar kala sareyn ah.

Lacagtaan ayaa lagu sheegay in ay tahay mid loogu gurmanayo dadka ku saamoobay fatahaadaha wabiyada iyo gobalada qaar oo roob biya dhigay, balse waxaa la yaab ku noqotay shacabka Muqdisho in aysan lacagtaan aheyn sadaqo iyo qofkii awooda balse ay tahay amar, waxaana qofkii bixin waayo uu ku muteysan doonaa ganaax lacageed oo dhan hal milyan oo Shilin Soomaali ah.

 

 

Like it? Share it!

Leave A Response