Fadeexo: Xiriir Dhexmarey Teliye kuxigeenka NISA iyo Macalin Fiilow madaxa Alshabaab ee Gedo.{AKhriso}

by admin | Monday, Apr 6, 2020 | 586 views

Document sir ah oo soo gaarey qaar kamid ah warbaahinta madax banan ayaa muujinaya xiriir ay sameeyeen Teliye Kuxigeenka NISA Cabddullahi Kulane iyo waaliga waalayada Alshabab ee Gobolka Gedo Cabiracmaan Fiilow.

Labadan masuul ayaa warbixino xasaasi ah isku weedaarsadey mid kamid ah aaladaha xiriirka bulshada ee loo yaqaano WHATSAPP.

Xiriirka 1aad ayaa waxaa soo sameeyey  FIILOW oo ah waaliga walaayada Gobolka Gedo ee alshabaab, sida kamuuqata sawirka hoose whatsapka wuxuuna sheegaya in Kenya ay duqeysey goobo Qeybo kamid ah Gedo balse ku eedeeyey kulane in uusan lasoo wadaagin isaga.

Teliye kuxigeenka ayaana sheegaya in uu kufaraxsan yahay mar hadii uu nabad qabo.

Arinta xasaasiga ah ayaa ah in Teliye kulane uu gudbinayao macaluumaadka mid kamid ah saraakiisha Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka NISA oo sida muuqata aad udhibsadeen Xarakada Alshabaab.

Sida kamuuqata documentiga Teliye kulane oo cabsi kamuuqata ayaa waxaa uu Alshabaab ugudbiyey Magaca sarkaalka ay doonayaan, Nambarkiisa  iyo weliba  meesha laga helo.

Teliye kulane mar FIILOW su’aal kusaabsan Fahad yaasiin waydiiyey ayuu ku qaldey madaxweynaha soomaaliya isagoona isticmaalaya Odeyga kawaran kadibna wuxuu markale fahinsiinayaa Odeyga Qofka uu ula Jeedo isagoona Isticmaalaya reerka uu kasoo Jeedo Teliyaha Hay’ada Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka soomaaliya Mudane Fahad Yaasii  Xaaji Daahir.

Arinta kale oo layaabka leh ayaa ah in mudooyinkaan danbe Account Twitter NISA ay kuleedahay lagu baahinayey warbixino laxiriira khilaafka Alshabaab, Teliye kulane ayaa documentiga kusheegaya in uu u hiiliyey si aan toos eheena, u baahinayey khilaafka si aan loo bedelin FIILOW oo gobolka Gedo ujoogo arintaas oo lasheegey in alshaab ay doonayeen in ay cilka kaqaadaan Fiilow.

Wuxuuna wey diinayaa khilaafkii iyo bedelkii halka uu ku danbeeyey.

Fiilow waaliga walaayada Gedo ayaa sheegaya in ay arintii warbaahinta shaqeysey oo shaqdiisa sii wadan doono.

Dhinaca kale documentiga ayaa muujinaya in uu wax ka ogaa Teliya Kulane weerarkii Baarsanguuni ay kuqaadi jireen Alshbaab isagoona sheegey in arintii dhoobley ay fashilantey.

Khilaafka Dowlada Federalka iyo Jubaland ayaa u muuqada in Xarakada Alshabaab ay lasafntahay Dowlada Si meesha looga saaro Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam.

Teliye Kulane iyo Amiir  Fiilow oo  isugu wacaya Adeer  ayaa aad isaga wareysanaya xaalada Jubaland teliye Kulane ayaa sheegaya in Geba Gebo marayso Dagaalka Jubaland ay kuala Jiraan.

Dhowaan ayey aheed markii ay Hay’ada NISA soosaartey amar kadhan ah waeriye Haruun macruuf oo ay ku  eedeysey in uu xiriiro laleeyahay  Alshabaab hase yeeshee arintani ayaa muujineysa sida alshabab ay ugu milmeen Hay’ada Sirdoonka Qaranka waxaana muuqata hada in saraakiisha NISA qaarkood ay Qatar amni soo food saareyso.

Like it? Share it!

Leave A Response