Gadiidlay magaaladda Muqdisho oo maanta shaqo joojin sameeyay!

by admin | Thursday, Oct 15, 2020 | 390 views

Gaadiidlayda wadada Warshadah ayaa maanta shaqo joojin Sameeyay ka dib markii ay ka caroodeen xirnaasha wadadaasi oo dhawaan la kordhiyay iyada oo la furay qaybo ka mid ah Wadooyinka muhiimka ah ee Caasimadda Soomaaliya.

Gaadiidlayda ayaa maanta qaybo ka mid ah degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ka dhigay dibad baxyo ay ku dalbanayaan la furo Wadada warshadaha oo qaybo ka mid ah dhawaan lagu jiray dhag-xaan laamaha amaanka ay sheegeen in lagu sugayo amaanka magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

”Waxaa nalaga qaadaa canshuur xad-dhaaf wadooyinkiina waa nalaga xirtay marka maanta waxaan ku dhawaaqnay shaqo joojinta in laga furayo wadooyinka ma shaqayn doono” ayuu yiri mid ka mid ah gaadiidlayda oo la hadlay Mustaqbal.

Dadka shacab ah ayaa maanta la arkayay iga oo lugaynaya maadaama aysan jirin gaadiidka dadwaynaha oo ka shaqaynaya Wadada Warshadaha ee magaaladda Muqdisho.

“Gaadiid waawayn ee qaada Caqarada & dhag-xaanta ayaa lagu Jiray inta u dhexaysa Isgoys-yadda Soos ilaa Ex-Control Balcad mana jirto wax isku socod ah oo halkaasi maanta ka jira shaqsiyaan maanta waxaan ka soo lugeeyay Suuqa Xoollaha ilaa Stadium Muqdisho” ayuu Mustaqbal u sheegay mid ah dhalinyarada magaalada Muqdisho.

“Dadka banaanbaxadhiga wadada qaybo ka mid ah waxa ay gubeen taahiro sidoo kale waxa ay biro ku xireen qaybo ka mid ah Jidka dheer ee Warshadaha” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawaan furay qaybo ka mid wooyinka caasimadda sida qaybo ka mid ah Wadada Maka Almukaram iyo Jidka wadaha oo horay dhag-xaan loogu jiray iyada oo dhag-xaan hor la dhigay qaybo ka mid ah jidka Sudunka iyo Wadada Warshadaha ee magaaladda Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Generaal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo ka hadlay munaasabada Furitaanka wadooyinka waxa uu sheegay in aan la furin wadooyinka magaaladda Muqdisho hayeeshee la qafiifiyay.

Like it? Share it!

Leave A Response