Golaha Shacabka oo Maanta yeelanaya kulan xasaasi ah

by admin | Monday, Apr 12, 2021 | 303 views

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxaa la filayaa in Maanta oo Isniin ah inay yeeshaan kulan xasaasi ah, kaas oo dad badan ay sheegeen in laga damacsan yahay muddo kordhin.
Guddoonka Golaha Shacabka ayaa xalay xilli dambe waxaa ay Xildhibaannada u direen farrin ku saabsan in uu jiro kulanka Golaha Shacabka, isla markaana la horgeyn doono mooshin ku saabsa arrimaha doorashooyinka.

Xildhibaan Maxamed Idiris Ganeey oo kamid ah Xildhibaannada mucaaradka ayaa sheegay in Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu dhowr jeer si cad ugu sheegay in hadii la isku afgaran waayo kulanka Afisiyooni ay Golaha Shacabka muddo korhdin sameyn doonaan.
Waxaa uu ku eedeeyay Guddoomiyaha Golaha Shacbaka in uu noqday Hubka Madaxweyne Farmaajo uu u isticmaalayo ku baa bi’inta Dastuurka iyo iska hor keenista Umadda Soomaaliyeed.
Dhamaan wadooyinka soo gala Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa Maanta la ekenay Ciidamo horleh, kuwaas oo gaadiidka qaar u diidaya inay galaan Madaxtooyda Soomaaliya oo ay ku dhex-taallo Xarunta Villa Hargeysa oo ay ku shirayaan Xildhibaannada

Like it? Share it!

Leave A Response