GUDOOMIYE CISMAAN BARRE OO SHAQADIISII GABAY IYO KHILAAF KA DHAX TAAGAN BAARLAMAANKA HIRSHABEELLE?

by admin | Monday, Apr 16, 2018 | 956 views

Waxaa soo if baxaya khilaaf u dhaxeeya mudanayaasha baarlamaanka Hirshabeelle, kuwaas oo ku kala qeybsamay kulamada baarlamaankaas oo qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa sheegay in uusan qab soomin kulamada baarlamaanka muddo ku dhow dhowr bilood.

Kuwaas oo qabsoomi la`aantaas ku eedeeyay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre.

Waxaa kaloo ay sheegeen in inta badan xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle aysan aheen kuwoo ku sugan magaalada Jowhar oo ah xarunta maamulka Jirshabeelle, taasina ay qaab ka qaadatay qabsoomi la`aanta kulamada baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.

Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay in muddo bilooyin ah aysan wax kulan ah yeelanin baarlamaanka Hirshabeelle iska markaana ku eedeeyay qabsoomi la`aanta kulamada baarlamaanka guddoomiye Sheekh Cusmaan Barre.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeele ayaa u muuqda in u gabay shaqadiisa isaga oo mashquul ku ah arrimo isaga u gaar ah.

Like it? Share it!

Leave A Response