Gudoomiye Maxkamadeed oo toorey lagu dilay iyo faahfaahin kaso baxeysa

by admin | Wednesday, Jul 3, 2019 | 737 views

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay guddoomiyihii maxkamadda Shabeelaha Hoose loogu geystay magaalada Muqdisho.

Dilka ayaa ka dhacay gudaha degmada Wadajir, waxaana Marxuumka loo geystay lagu magacaabi jiray Siciid Cumar Xasan oo la yaqaanay (Zubeyr).

Wararka ayaa sheegaya in dilka guddoomiyaha loo adeegsaday Mindi, kadib markii ay soo weerareen labo nin oo ku hubeysnaa Tooreeyo.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in guddoomiyaha oo watay Bistoolad uu dhaawacay mid ka mid ah Raggaasi, kaas oo isna u dhintay dhaawicii soo gaaray.

Warar kale oo aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in guddoomiyaha geeriyooday iyo labada nin ay murmeen, taas oo keentay inuu yimaado gacan ka hadal.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir oo ku aadan dhacadaasi.

Dhanka kale hay’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaloya ayaa sheegay in haatan ay wadaan baaritaan dheeraad ah oo la xariira sidii ay wax u dhaceen.

Dhacdadan ayaa saaka si aad ah looga hadal hayaa gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Like it? Share it!

Leave A Response