HOGGAANKA CAAFIMAADKA NABAD SUGIDDA OO LAGU XIRAY MUQDISHO

by admin | Sunday, Sep 23, 2018 | 912 views

Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ku xiray Madaxa Caafimaadka Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya.

Dr Xasan Axmed Maxamed Gacal , ayaa la xiray kaddib markii shalay gelinkii dambe uu ka badbaaday qarax Gaarigiisa ku xirnaa oo ka dhacay Muqdisho.

Gaariga ayaa ku qarxay baanka Guriga Dr Gacal ee Muqdisho,waxaana kaddib Guriga yimid Ciidamada amaanka oo halkaas ka kaxeeyay Dr-ka.

Ehelka Dr Gacal ayaa sheegay in Ciidamada amaanka ay u diideen ehelka in ay u sheegaan halka lagu xirayo Hoggaanka Caafimaadka ee Nabad Sugidda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ah wali kama hadlin xarigga hoggaanka Caafimaadka Nabad Sugidda Soomaaliya,Magaalada Muqdisho waxaa maalmahan ka dhacayay dilal qorsheysan iyo qaraxyo.

Qarax uu ka badbaaday Dr Gacal waxaa ka horreeyay mid kale oo uu ka badbaaday Yaxye Sheekh Caamir oo ah dhaqaale yahay wax ka dhiga qaar ka mid ah Jaamacadaha Muqdisho.

Yaxye Caamir ayaa sheegay in Qaraxaas uusan ku tuhmeynin AL-shabaab kaliya ee uu ku tuhmayo ugu yaraan 7 qeybood oo kala duwan,kuwaas oo uu ka gaabsaday in uu sheego.

Like it? Share it!

Leave A Response