Howlgal dad farabadan lagu qab qabtay oo laga sameeyay Muqdisho

by admin | Friday, Oct 28, 2022 | 300 views

Ciidamo katirsan Booliska Soomaaliya ayaa xalay howlgallo dad aad u farabadan lagu qabqabtay ka sameeyay Xaafado katirsan degmada Hiliwaa ee Gobolkan Banaadir.

Howlgalka oo saacado badan qaatay ataa Ciidamada ay ku baarayeen Guryaha iyo Gaadiidka, waxaana Goob fagaaro ah ay Ciidamada isugu keeneen ku dhawaad 100 Dhalinyaro ah oo howlgalka lagu soo qabtay wallow badankood la siidaayay.

Taliye kuxigeenka qeybta Booliska Gobolka Banaadir Saciid Baryare ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay, isla markaana lagu soo qabtat dad lagu tuhmayo inay katirsan yihiin Al-Shabaab & Daacish, balse baaritaano ay ku socdaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in howlgalladaan ay noqon doonaan kuwo si joogta ah looga sameeyo Magaalada Muqdisho, isaga Shacabka ugu baaqay inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida Amniga Magaalada Muqdisho.

Ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya ayaa habeenada qaar Magaalada Muqdisho ka sameeya howlgallo xoogan, iyaga oo badi kusoo qabta Kooxo Burcad ah oo dadka dhac u geysanayay iyo Ciyaal weero.

Like it? Share it!

Leave A Response