Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Qaxooti horleh oo gaaray Xerada Dhadhaab & Hay’ad digniin kasoo saartay

by admin | Friday, Oct 28, 2022 | 227 views

Ururka dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ayaa sheegtay in xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ee dalka Kenya inay halis ugu jiraan inay ka dilaacaan xanuunka Jadeecada iyo daacuunka, xilli kumanaan qaxooti cusub ahi ay soo gaarayaan xeryahaas, kuwaas oo ka imanaya Soomaaliya.

In ka badan 233,000 oo qaxooti ah ayaa ku nool saddexda xero qaxooti ee aadka ciriiriga u ah.

Kooxda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee loo yaqaano MSF, ayaa sheegay in tan iyo bishii January ay aad kor ugu kacday dadka ka soo cararaya abaaraha, gaajada iyo xasaradaha ee soo gaaraya xeryahan.

Qaar badan oo ka mid ah dadka cusub ayaa ka yimid koonfurta Soomaaliya, halkaas oo jadeecada iyo shuban uu dhowaan ka dillaacay, sida ay sheegeen masuuliyiinta hay’adda MSF.

Ku xigeenka madaxa barnaamijyada MSF u jooga dalka Kenya Andrian Guadarrama, ayaa khamiistii ka sheegay Geneva, in qaar badan oo ka mida qaxootiga cusub ee soo gaaray xeryaha Dhadhaab, inay qaabileen dadkii hore ugu sii noolaa xeryahan, hase ahaate wuxuu sheegay inay jiraan kumanaan kale oo ku nool hareeraha xeryaha, isla markaana xaaladoodu ay aad u liidato.

Wuxuu sheegay in toddobaadkii hore ay MSF diiwaangelisay illaa saddex xaaladood oo jadeeco ah iyo laba qof oo looga shakisan yahay xanuunka daacuunka oo laga helay xerada qaxootiga ee Dhagaxley.

Wasaaradda caafimaadka Kenya ayaa todobaadkii hore soo saartay digniin ku saabsan xanuunka daacuunka ka dib markii la xaqiijiyay 61 xaaladood oo illaa lix gobol ah.

Like it? Share it!

Leave A Response