Howlgal dad lagu qab qabtay oo laga sameeyay Kismaayo

by admin | Tuesday, Sep 28, 2021 | 328 views

Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ay ka sameeyeen howlgal dad farabadan lagu qabqabtay.

Howlgalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii qarax miino uu ka dhacay xalay Maqaayadda Xeebta Cagaha Gali oo ay dad shacab ahi ku caweynayeen, waxaana qaraxaas ku dhintay 2 Ruux halka Shan kale ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada ayaa howlgalka waxaa ay sigaar ah uga fuliyeen Xaafadaha ku dhow dhow Maqaaxida uu qaraxa ka dhacay, waxaana ay ku qabteen labaatameeyo Ruux oo looga shakiyay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in dadka howlgalka lagu qabtay la geeyay Saldhiga Booliska Maagaalada, isla markaana baaditaano dheeraad ah lagu sameyn doono.

Magaalada Kismaayo oo kamid ah meelaha ugu amniga wanaagsan degaannada Jubbaland ayaa maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay falal amni darro, hayeeshee Ciidamada Amniga ay wadaan howlgallo kala duwan.

Like it? Share it!

Leave A Response