Maamulka Hir-Shabeelle oo ku baxay beelo dagaalamay

by admin | Tuesday, Sep 28, 2021 | 232 views

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Dib u heshiisiinta dowlad Goboleedka Hirshabelle Cabdikariin Cali Nuur oo uu wehlinayo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan  ayaa gaaray Degaanka Kabxaley ee Gobolka Hiiraan.

Degaanka Kabxanleey ayaa waxaa dhawaan dagaal khasaaro geystay uu ku dhexmaray laba maleeshiyo Beeleed, walow markii dambe lagu guuleystay joojinta dagaalka.

Wasiirka ayaa sheegay inay Wasaaradda Dib u heshiisinta Qaadan doonta Dadaalkeeda Heshiisiinta beelaha Walaalaha ah,  is lamarkaan Maalmaha soo aadan shirar dib u heshiisa loo qaban doona labada beelood.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa dhankiisa u mahad celiyay cid kasta oo ka qeyb qaadatay joojinta dagaalkii ka dhacay kabxanleey, wuxuuna dhankiisa sheegay in Maamulka Gobolka Hiiraan uu gogol dib u heshiisiin ah u dhigi doono beelihii dagaalamay.

Degaanka Kabxanleey ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa kusoo laab laabtay Colaad Beeleedyada, waxaana Maamulka Hir-Shabeelle uu wadaa dadaalo uu uga hortagayo dagaaladaas

Like it? Share it!

Leave A Response