Itoobiya oo shaacisay dadkii ugu badnaa ee ku dhintay rabashadaha

by admin | Friday, Jul 10, 2020 | 497 views

Xeer Ilaaliyaha guud ee Federaalka dalka Itoobiya Adaanech Abebe ayaa BBC u sheegtay dad masaakiin ah oo aan wax xiriir ah la lahayn dilka loo geystay Hachaaluu Hundeesaa in lagu laayey deegaanka Oromada.

Adaanech waxay sheegtay rabshadihi ka dhashay dilka fannaanka loo geystay dadka ku dhintay intooda badan iney ahaayeen kuwa horay iisu abaabulay si ay dalka qalalaaso uga abuuraan.

Waxayna xeer ilaaliyuhu intaasi ku dartay rabshadihi toddobaadki hore dalka Itoobiya ka dhacay dadka loo xirxiray iney gaareen 2,700 oo qof.

“Xogta ilaa iyo hadda aan hayno dadka ugu badan ee rabshadaha ku dhintay iyo dadka masaakiinta dilka u gestayba iney ahaayeen dad horay iisu abaabulay oo heegan ku jiray, balse ay ahayn dhacdo si kadis ah ku dhcday” ayey tiri.

Xeer ilaaliyaha oo sii xoojineyso iney jireen dad rabshadaha ka horba isabaabulay oo heegan ku jiray waxay sheegtay marki la maqlay in fannaanka la dilayba iney soo baxeen kooxa hubeysan oo hub, fooneeyaha lagu wada xiriiro isla-markaana adeegsanayo idaacado maxalli ah.

“Dowladda si ay rabshadaha u soo afjarto shaqsiyaadkii looga shakiyey iney ku lug lahaayeen oo ay ka mid yihiin Jawar Maxamed iyo Baqale Garbaa waxay hub iyo qalab isgaarsiin oo ay sharci u haysan ay kala wareegtay xubnahaasi, iyaga oo warbaahintoodaa farriimo ficilladooda garab siinayo oo dalka ammaankiisa khatar gelinaya ka baahinayey” ayey tiri.

Kooxda mucaaradka ee Baalderaas uu hoggaamiyo Iskindir Naggaa “waxay iyaguna howlgeliyeen dhalinyaro Qeero caysa, kuna dhawaaqa hal ku dhigyo ay ka mid ahaayeen Oromo nama maamuleyso oo caasimaddana rabshado ka sameeyo”.

“Kooxahan haddii ay ahayn kuwa horay iisu abaabulay oo heegan ku jiray oo sugayey fursad ay danahooda ku fushadaan, ma dhacdeen in saacada iyo daqiiqada gudahood ay ficilladaasi ku dhaqaaqaan.”

Like it? Share it!

Leave A Response