Jubaland oo sheegtay in ay ka hortagtay shabakado qaraxyada u qaabilsanaa Al-shabab

by admin | Saturday, Sep 15, 2018 | 810 views

Maamulka Jubaland ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen shabakado labo ah oo ka tirsanaa AL-shabaab una qaabilsanaa qaraxyada iyo dilalka qorsheysan.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda amniga Maamulka Jubaland Maxamed Cabdi Kaliil,ayaa sheegay in Shabakaddan oo ka kooban 10 Qof ay todobo ka mid ah qirteen.

Waxaa uu intaas ku daray Kaliil, Ciidamada amaanka ay ka hortageen Raggaas oo lagu qabtay Magaalada Baardheere.

Mr Kaliil ayaa sheegay in xubno kale ay ka baxsadeen kuna dabajiraan,waxaa sidoo kale uu sheegay in todobada xubnood ee dambiga qirtay ay hayaan.

Maxamed Cabdi Kaliil ayaa Odayaasha Gobolka Gedo uga digay in ay u dacwad tagaan AL-shabab,waxaana uu sheegay in maamulka uu la xisaabtamayo Odayaasha la shaqeeya AL-shabab.

Jubaland ayuu sheegay in ay ogtahay odayaasha taga Magaalada Jilib,lana shaqeeya AL-shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response