Shabaab weeraray Afgooye

by admin | Saturday, Sep 15, 2018 | 899 views

Ururka Al Shabaab ayaa Saaka waxa ay weerar culus ku qaadeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay inoo sheegeen dad ku sugan gudaha degmadaasi.

Shabaab ayaa labo jiho ka weeraray degmada, waxayna gudaha degmadaasi kula dagaalameen ciidanka dowladda federaalka .

Shabaabka ayaa weerarkan soo qaaday, xilli dadka reer Afgooye ay isu diyaarinayeen Salaadda Subax, oo waqtigeeda ay ku soo beegeen weerarka.

Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen inay ku soo kaceen dhawaqa rasaasta xoogan ee ay isku adeegsanayeen ciidanka dowladda federaalka iyo Al Shabaabka weerarka soo qaaday.

Shabaabka ayaa beegsaday saldhiga ay Ciidamada Dowladdu ku leeyihiin aagga Buulo Fooliyo, Waxaana la sheegay Shabaab weerarka soo qaaday in ay ka yimaadeen dhanka Awdheegle.

Waxaa la xaqiijiyay dagaalkan inuu ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, islamarkaana soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay iyo dad rayid ah oo rasaasta ay guryahooda ugu tagtay.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay naga soo gaaraya degmada Afgooye ayaa waxa ay sheegayaan in ciidanka dowladda ay wadaan hawlgal lagu daba galayo xubnaha ka tirsan Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Like it? Share it!

Leave A Response