Jubbaland oo berri dooraneysa Senatarada Aqalka Sare & Guddoomiye Cirro oo Kismaayo ku wajahan.

by admin | Saturday, Jul 24, 2021 | 257 views

Baarlamaanka DG Jubbaland ayaa berri oo ku began 25-ka July 2021 dooranaya Senatarada Aqalka Sare BFS sida uu shaaciyay Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dowlad-Goboleedkaas & Guddiga kale ee Baarlamaankaas uu magacaabay.

Magaalada Kismaayo xarunta KMG ah ee DG Jubbaland waxaa ka socda diyaargarowga doorashada 8-da Senatar ee Dowlad-Goboleedkaas ku metalaya Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka.

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa maanta lagu wadaa in ay tagaan Kismaayo si ay goobjoog uga noqdaan doorashada berri lagu wado in ay dhacdo.

Ammaanka Magaalo Xeebeedka Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay, waddooyinka waxaa la dhigay Ciidamo dheeraad ah oo ah Nabadsugidda, Booliiska iyo askar katirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Jubbaland haddii ay ku guuleysato qabsoomidda Doorashada 8-da kursi ee Aqalka sare waxa ay noqoneysaa Dowlad-Goboleedkii ugu horeeyay ee soo gudbiya Senatarada ku metalaya Federaalka 2021.

Like it? Share it!

Leave A Response