Julen Lopetegui Oo Galabkii Axadda Dhan Ku Mashquulsanaa Inuu Dajiyo Xeeladda Uu Ku Wajahayo Viktoria Plzen.

by admin | Monday, Oct 22, 2018 | 1111 views

Kadib markii kooxdiisa ay wax guul gaari weysay shan kulan oo xiriir ah, Julen Lopetegui ayaa doonaya inuu cadaadiska saaran iska dajiyo kulanka ay gurigooda kusoo dhaweynayaan kooxda Viktoria Plzen, waana kulan ka tirsan koobka horyaalada yurub.

Sida warbixinta lagu sheegay macalinka reer Spain wuxuu galabtii Axadda aheyd ku mashquulay kaliya inuu naqshadeeyo qorshahii uu kala hortagi lahaa kooxda yar ee Viktoria Plzen.

Sida la fahamsan yahy Julen waxaa saaran cadaadis ay suuragal tahay in shaqada looga eryo, balse kama walwalsana wax walba maadaama ay maamulka garab istaag u muujiyeen, wuxuu doonayaa inuu kooxda ka samatabixiyo dhibta ay lugaha la gashay.

Julen wuxuu dareensan yahay inuu taageero ka heli doono ciyaartoydiisa, kuwaas oo dhamaan dareensan iney wax weyn tahay in xaaladda xun dhinaca kale loo rogo.

Real kaliya hal gool ayey dhalisay 5-tii kulan ee ugu dambeysay oo ay ciyaareen dhamaan tartamada oo dhan, waana xaalad culus oo muujineysa sida ay kooxda u weysay Cristiano Ronaldo oo July ku biiray kooxda Juventus.

Julen wuxuu fursad uu shaqadiisa ku badbaadsado helayaa kulanka Viktoria Plzen, walow aysan wali jirin wax u xaqiijinaya.

 

Like it? Share it!

Leave A Response