Khasaaro ka dhashay qarax lala eegtay Ciidamo ka tirsan AMISOM

by admin | Sunday, Sep 29, 2019 | 587 views

Qaraxaan ayaa waxaa uu uu goordhow ka dhacay agagaarka Isgoyska SOS ee Magalada Muqdisho,waxaana la sheegay in lala eegtay kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM oo wadadaasi ku socdaalayay.

Qaraxa ayaa ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ah,waxaana la sheegay in uu haleelay mid kamid ah Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamo ka tirsan AMISOM,waxaana jirtay qaraxa kadib rasaas farabadan oo ay fureen Ciidanka AMISOM.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in ay arkeen dhaawacyada laba ruux oo Shacab ah,kuwaas oo ku sugnaa halka uu ka dhacay qaraxa,isla markaana loo qaaday Goobaha Caafimaad ee ku yaalla Magalada Muqdisho

Lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha kasoo gaaray Ciidamada AMISOM qaraxaasi Miino,waxaana lagu soo waramayaa in ciidamadu ay joojiyeen isku socodka dadka iyo Gaadiidka wadada isku xirta Xaafada suuqa Xoolaha ilaa iyo Isgoyska Ex-Koontoroo Balcad.

Like it? Share it!

Leave A Response