Laftagareen oo sheegay inay furayaan wadada xiriirisa Baydhabo & Waajid

by admin | Monday, Jun 21, 2021 | 242 views

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed ee uu Madaxda ka yahay uu ku guuleystay u shida degmooyinka qaar Golle degaan.

Madaxweynaha oo ka qeyb galay munaasabad lagu Caleemo saarayay golaha degaanka degmada Waajid ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay qorsheeynayaan inay Golle degaan u dhisaan dhamaan degmooyinka iyo degaannada Koonfur Galbeed.

Waxaa uu faray mas’uuliyiinta Golaha degaanka degmada Waajid ee Gobolka Bakool inay si wanaagsan ugu Shaqeeyaan Bulshadooda, sigaar ahna ay diirada u saaraan sugida amniga.

Ugu dambeyn Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa sheegay in Mamaulka Koonfur Galbeed uu sidoo kale qorsheynayo in uu furo wadada isku xirta Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay & degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Like it? Share it!

Leave A Response