MAAMULKA GAALKACYO OO KA HADLAY DAD HABEENKII FURANAYA BAALLAYAASHA KU SHAQEEYA CADCEEDDA

by admin | Wednesday, Aug 22, 2018 | 865 views

Maamulka Magaalada Gaalkacyo ee qeybta Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen dad lagu eedeeyay in ay Habeenkii furtaan layrarka  ku shaqeeya Cad ceedda ee laga hirgeliyay Magaaladaaas.

Maxamuud Yaasiin Axmed,waxaa Guddoomiyaha Magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland,waxaa uu xusay in ayaantan ay soo kordheen dadka xilliga Habeenkii ah bur buriya Baallayaasha Korontada ee Cadceedda ku shaqeeya.

Waxaa uu Yaasiin sheegay in hadda qaar ka mid ah dadka loo heysto arrintaas ay xabsiga ku jiraan kuwo kalena lagu raad joogo.

Si guud ayuu uga hadlay amniga Magaalada Gaalkacyo gaar ahaanna qeybta uu isaga maamulo waxaana uu sheegay maamulka Magaalada ee Gaalkacyo qeybta Galmudug iyo qeybta Puntland ay si wadajir ah uga shaqeeyeen amniga haddana uu hagaagsanyahay.

Dadka Magaalada Gaalkacyo ayuu ugu baaqay in ay sida wadajir ah uga qeybqaataan sidii la isaga qaban lahaa dadka waxyeellada u geysta adeegyada danaha guud sida layrarka ku shaqeeya Cadceedda oo kale.

Like it? Share it!

Leave A Response