Taliska Booliska oo faah faahin ka bixiyay howlgallada ka socda Muqdisho

by admin | Tuesday, Apr 16, 2019 | 728 views

Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed oo Shir jaraa’id ku qabatay magaaladda Muqdisho, ayaa Warbaahinta sharaxaad ka siisay Howlgalada amniga lagu sugayo ee Ciidanka Ammaanka ay ka wadaan Muqdisho.

Gen. Zakia ayaa sheegtay in ciidamada amniga ay ku guuleysteen in Miinooyin aad u culus oo nooca Taangiga ah ay ka soo saaraan Hareeraha waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale sheegtay in Ciidanka Amaanka ay gacanta ku hayaan 16 Ruux oo lagu tuhmayo Al-shabaab inay ka tirsan yihiin iyo ruux kale oo isaggoo falal amni darro ku howlan gacanta lagu soo dhigay, waxaana ay xustay in raggaan ay baaris ku socoto, dibna ay kasoo sheegi doonaan natiijada.

Ugu dambeyn Gen. Zakia ayaa tilmaamtay in Ciidanka Ammaanka ay ku raad joogaan Xubo ka tirsan Alshabaab, kuwaasi oo ku dhex dhuumanaya Bulshadda Dhexdeeda

Like it? Share it!

Leave A Response