Mareykanka oo faah faahiyey duqeyn lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Daacish-ta Soomaaliya

by admin | Tuesday, Apr 16, 2019 | 696 views

Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika ee loo yaqaano (Africom) ayaa faah faahin ka bixiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Bari taas oo ay la beegsadeen Xubno ka tirsan Daacish-ta Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay  Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika ayaa lagu sheegay in 14-kii Bishaan duqeyn dhinaca cirka ah ay la beegsadeen gaari  uu sarnaa hoggaamiye kuxigeenkii labaad ee Daacish-ta Soomaaliya Cabdi Xakiin Dhoqob xilli ay marayeen deegaanka Xiriiro ee Gobolka Bari,isla markaana weerarkaas ay ku dileen.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in Cabdi Xakiin Dhoqob uu ahaa Sarkaalka Daacish ee  soo abaabula weerarada ka dhaca deegaanada Puntland,sidoo kale uu ka qeyb qaato xaalufinta waxyaabaha Kheyraadka ah ee laga helo deegaanada Puntland sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan sii wadeynaa taageerada aan siino Soomaaliya ee dhinacyada Ammaanka,Dhaqaalaha iyo horumarinta,waxaana kordhineynaa weerarada aan la beegsano Xarumaha Kooxda Daacish si ay u yaraato awoodooda,waxana bartilmaamedsan doonaa kuwa fuliya weerarada xagjirnimada ayuu yiri Agaasimaha dhinaca Ammaanka Mareykanka u qaabilsan Qaarada Afrika Gen. Gregg Olson.

Sidoo kale duqeyntaas  ayaa Mareykanku sheegay in lagu burburiyey Gaariga uu saarnaa Cabdi Xakiin Dhoqob, balse ay baaritaan ku sameynayaan in dad rayid ah ay wax ku noqdeen.

Mareykanka ayaa kordhiyey duqeymaha dhinaca cirka ah oo uu ka fuliyo Soomaaliya,kuwaas oo uu la beegsado Xarumaha Al-Shabaab iyo kooxda Daacish,waxaana todobaadyo ka hor Madaxweynaha Mareykanka uu saxiixay mudo kordhin loo sameynayo Ciidamada Mareykanka ee ka howlgalla Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response