Maamulka Sh/Hoose oo ka warbixiyay maleeshiyo beeleed heshiis la dhex dhigay

by admin | Tuesday, Oct 9, 2018 | 926 views

Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ka warbixiyay qorshaha ay u diyaariyeen maaleeshiyo beeleedyo muddo dheer ku dagaalamayay gobolkaas ee shalay lagu guuleystay in lagala qaado.

Maamulka ayaa sheegay in hub ka dhigis lagu sameeyay ka dibna la qorsheynayo in dib loogu celiyo tababar iyo dhaqan celin si loogu diyaariyo ku biirista ciidamada xoogga dalka.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo wareysi siiyay Idaacada Risaala ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in lagu guuleysto in la kala qaado maleeshiyaadkii hubeysnaa ee mudada dheer gobolka ku dagaalaamayay.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in maamulkiisa uu saraakiisha ciidanka xoogga dalka kala shaqeynayo sidii qorshe cad oo ku biirista ciidanka loogu sameyn lahaa.

Waxa uu sidoo kale Risaala ugu warbixiyay halka ay marayaan qaadista isbaarooyinka yaalla gobolka Shabeellaha Hoose.

Guutada 14-ka October ee ciidanka xoogga dalka ayaa ku guuleystay shalay in la kala qaado maleeshiyo beeleed muddo 6 sano ah isku hor fadhiyay magaalada Marka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada ayaa ku guuleystay in ay maleeshiyaadka ka soo saaraan daaro dhaadheer oo muddo dhufeyso iyo aagag dagaal u ahaa labada dhinac, waxaana ugu dambeyn la isugu keenay barxad weyn oo ku taala bartamaha magaalada Marka.

Like it? Share it!

Leave A Response