Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray degmada Waajid

by admin | Saturday, Jun 19, 2021 | 315 views

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha degmada Waajid kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ee Koonfur Galbeed, Odayaasha Dhaqanka degmadaasi Waajid iyo Xubno kale.

Wafdiga Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee degmada Waajid ayaa waxaa kasii horeeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed, waxaana ujeedka halkaasi ay u tageen ay tahay ka qeyb galka munaasabad lagu caleemo saarayo Maamulka Cusub ee Golaha degaanka degmada Waajid.

Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbedd ayaa la filayaa in uu kulan la qaato Maamulka Cusub iyo Golaha degaanka Waajid, Odayaasha Dhaqanka iyo Saraakiisha Ciidamada, isaga kala hadli doona baahiyaha kajira degmada.

Degmada Waajid ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka ka tirsan Gobolka Bakool ee mudada ka badan 10 Sano u go’doonsan Ururka Al-Shabaab, waxaana dadka ku nool ay wajahayaan xaalado bani’aadanimo.

Like it? Share it!

Leave A Response