Madaxweyne Dani oo furay Imtixaan ay u fadhiisteen 15,800 oo arday

by admin | Saturday, May 18, 2019 | 740 views

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goor dhow furay imtixaannada dhexe ee Puntland, kaasi oo ay u fadhiisteen Arday gaareysa 15,800 oo Arday .

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Ardayda in ay ilaaliyaan Sharciga, islamarkaana ay si wanaagsan ula shaqeeyaan Hay’addaha Ammaanka iyo Guddiyadda inta ay socdaan imtixaanada.

Imtixaanka guud ee dugsiga Sare ee Puntland ayaa Muddo dheer la qaadayay, waxaana lagu galaa dhammaan degaanada maamulka Puntland uu ka taliyo.

Imtixaanka Ardayga Dugsiga Sare ee Puntland ayaa kusoo beegmaya xilli uu fashilmay Imtixaankii Guud ee Qaranka ee laga qaaday guud ahaan dalka Marka laga reebo Puntland iyo Somaliland.

Like it? Share it!

Leave A Response